SOMCARE oo shir balaaran ku qabatay Galbeedka London.

0
Tuesday January 19, 2010 - 07:36:44 in Community Listing by Super Admin
  • Visits: 1638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMCARE oo shir balaaran ku qabatay Galbeedka London.

    Urur Samafal oo daryeela Carruurta Soomaaliyeed ayaa shir aad u balaadhan ku qabtay xaafada Wembley ee galbeedka magaaladan London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Urur Samafal oo daryeela Carruurta Soomaaliyeed ayaa shir aad u balaadhan ku qabtay xaafada Wembley ee galbeedka magaaladan London.
dece:2 Source: Somalisan news

U jeedada kulankan loo qabtay ayaa ahaa mid kaalmo iyo tabaruc loogu ururinayo dadka dhibaataysan eeay la soo gudboonao xaalad adag oo caafimaad darro ah, taasoo dadka danyarta ahi ay yihiin qaar aan iyagu is daryeeli karin.

Intii kulankaasi uu socday waxa lagu soo bandhigay sawirro muujinaya dad ay haystay dhibaato caafimaad daro ah oo xooggan, kuwaasoo qaarkood lagu daweeyay wadamo ka mid ah geeska afrika, sida dalalka Kiinya iyo yugaandha iyadoo kuwii xoog u dhibaataysnaa ee Afrika lagu daaweyn kari waayayna loo qaaday dalka Maraykanka, iyadoo sawirradii halkaas lagu soo bandhigay ay tusayeen sida wanaagsan ee dadkaas loo daaweeyay.

Ururkan Daryeelka Carruurta Soomaalida oo la aasaasay sanadkii 2007 ayaa tan iyo intii ururkaasi uu hawl galay waxay wax u qabteen oo ay daaweyn u heleen 56 qof oo u badnaa carruur, dumar iyo rag waaweynba, kuwaasoo laga daweeyay cudurro kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Burooyin iyo xanuuno kala duwan oo dabiici ah oo dadkaasi kala duwan haystay.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne farabadan oo ka kala yimid daafaha magaaladan London ayaa waxaa halkaasi hadalo dhiirri galin iyo Wacyigalin isugu jirta kasoo soo jeediyay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Marwo Mulki Xasan Cumar, Faarax Ibraahim,Muuse Qaboobe,Maxamed Cabdiqaadir, RaxmaAhmed,


Bashiir Xirsi, Xasan Xundubey Jimcaale, Xaaji Muuse Masuul sare, Cali Jarmal, Kutuubey Cali Maxamed, iyo Culumo Xasan Matoto.

Xafladan oo socotay muddo dhawr saacadood ah marka laga tago haddaladdii iyo qudbadii laga soo jeediyay waxa kale oo lagu soo bandhigay erayo suugan ah oo lagu dhiirigalinayo waxqabadka ururkan,

Waxaa halkaas Wax qabadka ururkan ka soo jeediyay Gudoomiyaha Ururka Daryeelka Carruurta Soomalida Dr. Cabdicasiis Muuse Maaxay. Digtoorka oo waxyar ka taabtay sida ay ku bilaabeen Ururkan Samafalka ah ayaa sheegay in isaga iyo gabadhiisa oo wada daawaynay cajalad laga soo duubay dalkii oo ka waramaysay gabadh yar oo dad faro xumayeen oo baahan ila laga daweeyo dhibaatadda laaxadka leh ee ku habsatay, ayay gabadhaydu igu dhiiri galisay in aan wax u qabto , waxayna ku soo suurgashay iskaashi aan la sameeyay dad dakhtiir ah iyo dad Soomaliyeed oo dhaqaale ku tabarucay, Allah mahadi haka gaadhee waa idinkaas arka sida ay u caafimaaday inantaas yari ayuu yidhi Digtoorku.

Dhanka kale ururkan oo wali ku gudajira lacagta tabaruc ee ay ururinayaan ayaa dhawaan kale hadlay dadka soomalida Televison UNIVERSAL iyaga ugu baaqay in ay tageeran arrinta khayriga ee ay wadaan, iyadda durtaba ay ka soo jawaabeen dad fara badan iyo shirkadda soomalida qaarkood ayaa shirkadda dahabshiil ugu deeqday lacag dhan 10,000 Dollar.









musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Fadlan hadii aad awoodid inaad noqotid inaad ka qayb qaadatid barnaamijkaan uguna deeqi kartid ama $10 dollars $5 dollars ama $20 dollars fadlan ha is dhihin

way yartahay waxay wax ka badeli kartaa wax wayn

Fadlan ku soo dir deeqdaada DAHABSHIIL ACCOUNT Number HRG-D-15315 amaba

isticmaal www.somcare.org dhinaca deeqaha ee Paybalkeena.

Mahadsandiin ilaahay waxaan ka baryayaa in wax ka wayn idiinku badelo.

Refrece:www. Somalisan.com oo aan ka soo qaadaney Qoraalkan

Muse waxuu ka mid yahay shaqsiyaadka gaarka oo wax wayn ka gastey barnaamijkaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


About Us

Somali American Healthcare Foundation (SOMCare) is a Not For Profit Organization that is devoted to bringing life saving medical care to the most vulnerable people and medically challenging cases in Somalia.

SOMCARE began its work in 2006 with the heart touching incident of a 7-year-old Somali girl that raped and left both physically and psychologically devastated and with no access to medical care. Abdi Maahaay (Founder and Executive Director of SOMCare) and his wife Sahra were touched by this news; they immediately took action by contacting people and organizations around Minnesota. 

READ MORE ABOUT MAAXAAY FOUNDATION!  

PHOTO GALLERY